abyoone togan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abyoone togan
Integer, positive
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ayoon togan
Positive Ion
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abyoone taban
Integer, negative
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abnaq
abnaq¹: m.l (-qyo, m.dh) (xisaab) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
abnaq²: m.l Cilmiga abtiriska.
abnaq³: f.mg1 (-qay, -qday) U a.: cid u abtirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro
tiro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro²: m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xisaab) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid-da. Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xisaab) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (naxwe) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tusaale: “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
tiro³: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax meel ka ba'sasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abnaq
m.l (-qyo, m.dh) (xisaab) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro
tiro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro²: m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xisaab) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbiridda.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xisaab) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (naxwe) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tusaale: 'Kow, labo, qof'; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr). m.f.dh, tirasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Integer, positive
Abyoone togan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abnaq
(fal) «u ~» qof kale u abtiri; magacda adawyadii uu ka soo jeeday sheegsheeg.
abnaq -a: (magac, lab, keli) cilmiga abtiriska qofka iyo isirkiisa. Abuukar waa nin abnaqa Soomaalida aad u yaqaan. Dh: abtiris, abtirsi.
abnaq -a: (magac, lab, keli) erey xisaabta loo adeegsado oo ah tirada soo baxda mark ala isku dhufto abyoonayaasha togan ee ka yar ama le'eg abyoone togan oo la isa siiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyoone
-ha: (magac, lab, keli) tiratirsiimada iyo lidkeeda iyo eber; waa tirooyinka {...-4, -3, -2, -1, 0, 1, 2, 3, 4...); tiro kasta oo idil oo togan ama taban oon jajab ahayn eberkuna ku jiro. -4 ama -2 waa abyoone taban 0 ama 6 waa abyoone togan. Wa: abyoonayaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayoontogan
m.l (-nno ..., m.dh) (kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayoon-togan
m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoontogan
-ka: (magac, lab, keli) ayoon sal danab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey ellektaroonno, marka danab soociddu dhacayso, ayoontoganayaasha waxa jiita qotinka taban.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aayon-togan
Cation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayoontogane
-ha: (magac, lab, keli) atam lumiyay hal elektaroon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayoontaban
m.l (-nno ..., m.dh) (kiim.) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayoon-taban
m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyane huban
m.l (-nayaal ..., m.l/dh) (xisaab) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abyane huban
m.l (-nayaal ..., m.l/dh) (xisaab) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abyane huban
Definite integral
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro togan
Positive number
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoon yahan
Professionale
Professional
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ayoontabane
Anion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayoontabane
-ha: (magac, lab, keli) atam uu ku soo kordhay hal elektaroon.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgooye taagan
stationary screening